SAWIRO:-Doorashada laba kamid ah Kuraasta Golaha Shacabka oo ka bilaabatay Dhuusamareeb

Waxaa goordhow Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug ka bilaabatay doorashada laba kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee degaan doorashadoodu tahay Galmudug.

labada kursi oo kala ah Hop26 oo ay horay ugu fadhiday Xildhibaan Ikraan Aadan Absuge, balse la filayo in uu u tartamo kuna soo baxo Yuusuf Geelle Ugaas (Dhageey) iyo Hop104 oo uu horay ugu fadhiyay Xildhibaan Mahad Cabdalla Cawad oo ah guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka.

Kursiga koowad oo ay doorashadiisa socoto ayaa waxaa uu yahay kursiga Hop104 oo uu ku fadhiyay guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalala Cawad, waxaana kula tartameysa Shukri Cali Faarax, halka kursiga labaad ee Hop26 oo ay horay ugu fadhiday Xildhibaan Ikraan Aadan Absuge, balse la filayo in uu u tartamo kuna soo baxo Yuusuf Geelle Ugaas (Dhageey)

Magaalada Dhuusamareeb labada kursi kaliya ayaa Maanta lagu dooranayaa, iyada oo ay harsan yihiin ilaa Saddex kursi oo kale, kuwaas oo guddiga doorashada Galmudug ay horay u sheegeen in la qabanaayo doorashadooda.