Sidda ay sheegayaan Wararka naga soo gaaraya dalka Indonisia Diyaarad nooceedu yahay Boeing 737 oo ay leedahay shirkadda Lion Air oo ay saarnaayeen 188 ruux ayaa ku dhacday badda dalka Indonesia wax yar uun ka dib markii ay ka kacday magaalada Jakarta.
Dad badan oo ka mid ah rakaabkii diyaaradda ayaa geeriyooday sidda ay dowladda dalkaasi xaqiijiysay.
Duulimaadkan oo lambarkiisu ahaa JT 610 ayaa ku sii jeedday Pangkal Pinang oo ah magaalada ugu wayn jasiiraddaha Bangka Belitung.
Yusuf Latif oo ah afhayeenka Hay’adda Gurmadka ee dalkaasi ayaa yiri “Diyaaradda ayaa badda hoos u gashay 30 ilaa 40 mitir,waxaan wali baadigoobaynaa burburka diyaaradda”
Xiriirkii dhulka ay la samaynaysay ayaa lumay waxyar ka dib markii ay kacdayba, waxyar ka dibna badda ayaa laga helay, mana cadda in ay dad ka badbaadeen.




