SAWIRO:- Ciidamo la dagaalamaya Al-Shabaab oo lagu soo bandhigay Gobolka Bakool

Ciidamada deegaanka degmada Ceelberde ee gobolka bakool ayaa u diyaar garoobay ka qeyb qaadashada howgalka degaannada hoostaga degmadaas looga saarayo Al-Shabaab

Ciidamada deegaanka ee la baxay (caano ka dhan) waxay isugu jiraan dhalinyaro Odayaal iyo haween oo u diyaar ah ladagaalanka Al-Shabaab, waxayna wacad ku mareen in ay deegaankooda ka xoreyn doonaan Al-Shabaab.

Qaar kamid ah horjoogayaasha Ciidamada degaanka oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in hubka ay wataan ay kusoo iibsadeen Xoolahoodii oo ay gateen, isla markaana ay diyaar u yihiin inay meel kasta oo katirsan Gobolka Bakool kula dagaalamaan Al-Shabaab.

Mas’uuliyiin katirsan Maamulka degmada Ceelbarde & Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka oo fagaaro kula hadlay Ciidamada degaanka ayaa uga mahad celiyay sida ay u go’aansadeen inay la dagaalamaan Al-Shabaab.

Waxaa ay ballan qaadeen inay garab istaag u muujin doonaan Ciidamada degaanka si ay Al-Shabaab guud ahaan uga saaraan degaannada hoostaga degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool.