SAWIRO:-Banaanbax ka socda Magalada Baladweyne

Wararka laga helayo Magalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi ay haatan banaanbax ka dhigayaan qaar ka mid ah Shacabka ku nool Magaaladaas.

Dadka banaanbaxa dhigaya oo isugu jira yaryar iyo waaweyn ayaa waxaa ay kasoo horjeedaan Ciidamo la sheegay in laga qaadayo Baladweyne,kuwaas oo la geynayo Magalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Banaanbaxayaasha ayaa waxaa ku dhawaaqayeen erayo ay ku diidan yihiin in Ciidamo ka tirsan booliska Hir-Shabelle loo qaado dhuusamareeb,waxaana dowladda ay ka codsadeen in arrintasi ay joojiso.

Magalada Baladweyne waxaa hatan ku sugan Taliyaha qeybta 21aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed C/Casiis Cabdullaahi Qooje,kaas oo Baladweyne u tegay soo daabulida Ciidamada,hayeeshee Odayaasha Dhaqanka Baladweyne iyo waxgaradka ay diideen.