Doolow-RisaalaFM– Ciidamada ammaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland ee ku sugan Degmadda Doolow ee Gobolka Gedo, ayaa waxaa isku soo dhiibay Sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-shabaab, kaasi oo hada ay gacanta ku hayaan maamulka degmada iyo Saraakiisha Ciidamada.
Sarkaalka Ciidamada ammaanka isku soo dhiibay, ayaa waxaa lagu magacaabaa Aadan Ibraahim, waxaana uu kamid ahaa Saraakiisha Al-shabaab u qaabilsan dhanka Howlgalada iyo uruurinta lacagta Shabaab ay u yaqaanaan Zakawaadka.
Aadan Ibraahim ayaa sawirro laga soo qaaday waxaa ka muuqday Diif iyo Daal fara badan, iyada oo loo maleynayo inuu soo galay safar dheer, sidoo kale wuxuu watay Darees Ciidan iyo Qori AK-47 ah.
Aadan Ibraahim, ayaa mar uu ka hadlayey sababihii uu isku soo dhiibay, waxa uu sheegay in Al-shabaab hadda dhexdooda uu ka jiro kala shaki aad u weyn, sidoo kalena uu kala kulmay dhibaatooyin fara badan.
Wuxuu sheegay sidoo kale inuu isa soo dhiibo in ay ka dambeysay kadib markii uu maqlay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu markale Cafis u fidiyey dhalinyaradda ka tirsan Shabaab.
Taliyaha Ciidanka Nabad sugidda Degmadda Dooloow oo Warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay kuwa ka tirsan Shabaab ee ka faa’iideysanaya Cafiska Madaxweynaha ay soo dhoweynayaan, waxaana wali kuwa ka tirsan Al-shabaab uu ugu baaqay inay fursadda Dowladda ka faa’ideystaan.



