Sarkaal lagu toogtay Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa Sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliyeed waxa ay ku toogteen degmada Hodon ee gobolka Banaadir sida ay Risaala u xaqiijyeen dadka degaanka.

Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Dheere, waxaana lagu dilay Beerta Qaadka ee degmada Hodon.

Dilka ayaa waxaa geystay Koox dhalinyaro ah oo bastoolado wadatay, waxaana la sheegay dilka ka dib in ay goobta ka baxsadeen.

Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa soo gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka waddaan howlgallo lagu xaqiijinaayo Ammaanka.