Sarkaal ka Tirsan Alshabaab oo isa soo dhiibay

Dawlada Federalka Soomaaliya ayaa soo bandhigatay Sarkaal  ka tirsan Alshabaab oo isa soo  dhiibay.

Cabdiraxmaan Hiiti ibraahim oo loo yaqaan (Abuu Cabddiraxmaan) oo ka tirsanaa Xubnaha Alshabaab Deegaannada Nuurdugle iyo Guulane Ee Gobalka Shabeelaha Dhaxe ayaa isku Soo Dhiibey Taliska Ciidanka Gor Gor Xoogga Dalka Soomaaliyeed  iyo Ciidamada Difaaca Deegaanka Ee Magaalada Xarardheere ee Gobalka Mudug .

Sarkaalkan  isa soo dhiibay ayaa la sheegay in Alshabaab uu ka tirsanaa  Muddo 7 sano ah balse uu go’aansadayin uu isaga soo tago ayaa lagu yiri war lagu daabacay  warbaahinta Dawlada .

Isasa soo dhiibista Sarkaalkan  ka tirsan Alshababa  ayaa ku soo aadeysa iyadoo maalmihii la soo dhaafay  Ciidanada Xoogga dalka iyo kuwa degaanka ee ku  sugan Xadka gobolada Galgaduud ee iyo shabeelada Dhexe ay wadeen Hawlgallo ka dhan ah Alshabaab  .