Saraakiisha ciidanka xoogga ee Hirshabeele oo sheegay inuu isa soo dhiibay sarkaal Shabaab ah

Xuseen Maxamuud oo Shabaab dhexdeeda looga yaqaano Ramadaani, kana  mid ahaa ururka Al-shabaab, ayaa isu-soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan degmada Mahadaay ee gobalka Shabeelada dhexe.

Xuseen, ayaa Shabaab waxa uu u qaabilsanaa Aruurinta lacagaha Zakawaadka loo yaqaano oo Shabaab ay ka qaadaan dadka shacabka ah, sidoo kale waxa uu madax u ahaa qeyb ka mid ah raga amniyaadka ah ee fuliya dilalka qorsheysan.

Taliyaha howlgalinta Ciidanka Xoogga ee qeybta 43-aad G/sare Ismaciil Shiikh Isxaaq oo wareysi siiyey Wariye Rodo Mohamed Hussein oo Idaacadda Risaala uga soo hadasha Shabeelaha dhexe , ayaa sheegay in Xuseen Maxamuud Ramadaani isa soo dhiibistiisa ay timid, iyaddoo Shabaab dhexdeeda uu ka jiro Khilaaf.

Xuseen Maxamuud Ramadaani oo ah Sarkaalka isku soo dhiibay Ciidanka oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in uu ka qeyb qaatay dagaalo badan, islamarkaana uu go’aansaday inuu isaga baxo Shabaab.

W/Q: Wariye: Rodo Mohamed Hussein