Saraakiil Kenyan ah oo ku dhintay Qarax ka dhacay duleedka Gaarissa

Sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Ciidamada dowladda Kenya Qarax xooggan ayaa lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Kenya kuwaa soo maraayay duleedka Magaalada Gaarissa.

Qaraxa ayaa ka dhacay degaan lagu magacaabo Kulan dam oo ku yaalla duleedka Magaalada Gaarissa.

Inta la xaqiijiyay Saddex Sarkaal oo ka tirsan Ciidamada Booliska dalka Kenya ayaa Qaraxaasi ku dhintay, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay labo kale.

Qaraxa ayaa noociisa waxaa uu ahaa Miinada dhulka lagu Aaso.