Hawlgal dad lagu qabtay oo Muqdisho ka socda

Ciidamada qaabilsan xasilinta ammaanka Caasimadda Soomaaliye ee  Muqdisho, ayaa saaka hawlgalo waxa ay ka wadaan xaafaddo ka tirsan Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Sida ay Risaala u sheegeen dadka degaanka Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa soo qabqabtay dhalinyaro badan intii uu socday howlgalka ,waxaana dhalinyarada ugu badan laga soo qabtay Xaafado ka mid ah Degmada Hodan.

Sidoo kale Ciidamada dowladda ayaa joojinaaya Gaadiidka dadweynaha ,islamarkaana dadka gaariga saaran mid mid u baaraya.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda ayaa Risaala u sheegay in howlgalkaan lagu xaqiijinaayo Ammaanka.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ay ka wadeen magaalada Muqdisho.