Saraakiil ka tirsan Alshabaab oo lagu dilay Hawlgal ka dhacay gobolka Sh/ Hoose

Howlgal  ka dhan ah Alshabaab oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada Caalamka ayaa ka dhacay tuulada Ugunji oo hoos tagta magaalada Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose .

Howlgalkaan ayaa lagu beegsaday Maxkamad ay Ururka Alshabaab  lahaayeen, waxaana halkaas lagu dilay 7- Xubnood oo Alshabaab ka tirsan sida lagu daabacay warbaahinta Dawlada  kuwaas oo uu ku jirey Sarkaal lagu magacaabo Usaame oo ahaa Ninka ugu sareeya Alshabaab ee deegaanka Ugunji gobolka shabeelada Hoose .

Xubnaha kale ee la dilay Alshabaab ka tirsan ayaa waxaa kamid ahaa Cadnaan oo u qaabilsanaa diiwaan gelinta  lacagaha Alshaaab ay ka qaadaan shacabka iyo Xubin kale oo lagu magacaabo yaxye  oo ahaa ku xigeenkii  Alshabaab jooga deegaanka Ugunji ee gobolka shabeelada Hoose ayaa lagu yiri”. warkan ka soo baxay Dawlada .

Maalmihii la soo dhaafay degaanada gobolka sabeelada Hoose ayaa ayaa waxaa ka jira Hawgalo ka dhan ah Alshabaab .