Wararka naga soo gaaraya Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo oo ay maamusho Puntland ayaa waxaa ay sheegayaan in koox hubaysan ay ku dishay nin ganacsade ah oo lagu magacaabi jiray Ahmed Tahliil.
Marxuumka ayaa markii la dilayay ku sugnaa goobtiisa ganacsi oo ku taalla Jiiro Cabdulaahi Yuusuf ee Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.
Raggii dilka gaystay oo gaari watay ayaa markiiba goobta isaga cararay, lamana yaqaan Sababta ay ku dileen ninka ganacsadaha ah.
Goobjoogayaal ku sugan Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in Ciidamo katirsan Booliska Puntland ay tageen halka uu dilka ka dhacay balse aysan weli dad u qaban, waxaana weli dilkaasi ka hadlin laamaha Amniga Magaalada Gaalkacyo.
Ilahay ha u naxariisto
Shuuke



