Santi Cazorla Oo Si Lama Filaan Ah Ugu Duulay Magaalada Barcelona

Santi Cazorla ayaa loo diray dalkiisa Spain si loogu daweeyo kadib dhaawac soo laablaabtay oo uu qabo ciyaaryahanka.

Ciyaaryahanka khadka dhexe Cazorla ayaa rajaynayay inuu taam u noqdo kulankii kooxdiisa wajahday Tottenham laba toddobaad ka hor, laakiin dib u dhac ayaa ku yimid.

31-sano jirkaan ayaa ayaa ugu tagay Barcelona Dr Ramon Cugat oo ku taqasusay xanuunada ciyaaryahanka uu ka cabanayo.

Dr Cugat ayaa xiriir fiican la leh Tababaraha kooxda Manchester City Pep Guardiola kaasoo uu u daweyn jiray ciyaartooyda waayihiisii Barcelona.