PSG Oo Si Dhib Yar Ku Heleysa Carlos Bacca

Weeraryahanka kooxda AC Milan Carlos Bacca ayaa waxaa dooneya kooxda kooxda Ligue1 ee PSG sida uu ku waramay wargeyska Le Parisien.

Weeraryahanka reer Colombia ayaa shan gool u dhaliyay AC Milan xili ciyaareedkaan.

tababarihiisii hore ee kooxda Sevilla Unai Emery ayaa la sheegay in uu doonayo inuu ku xoojiyo weerarkiisa.

30-sano jirkaan ayaa la shaqeyn doona Edinson Cavani iyo Jean-Kevin Augustin oo ah weeraryahan kaliya ee uu haatan heysto macalin Unai Emery.

Tababaraha AC Milan Vincenzo Montella ayaa ixtiraamaya Bacca inuu sii joogo kooxda kaalinta sadexaad kaga jira Serie A.