Salaam Bank iyo Risaala oo beri iska kaashandoona barnaamij ku saabsan ciida

Daaru-salaam-RisaalaFM- Guud ahaan Umada Islaamka oo ku kala sugan Dalalka caalamka iyo Gobolada Dalka ayaa si weyn ugu diyaar garowaya Dagaaldega iyo Farxada Maalinta Koowaad ee Ciidul Adxaa.

Hadaba Bankiga Salaam Somali Bank iyo Idaacadda Risaala ee Magaalda Muqdisho ayaa Berri iska kaashanaya Barnaamij abaal marino lagu bixinayo, kaas oo bilaaban doona salaada Ciidda kadib.

Barnaamijkan uu abaal marinada ku bixinayo Bankiga Salaam Somali Bank ayaa waxaa si toos looga tabin doonaa Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho.

Abaal marinadan ayaa waxa ay yihiin kuwo aad u qaali ah oo ay qaadan doonaan dadka ka soo qeyb gala Barnaamijkan oo lagu qaban doono Xaafada Daaru-salaam.

Ka soo qeyb gal wanaagsan.