Ciidamada Difaaca dalka Uganda ayaa sagaal sano jirsaday tan iyo markii ay soo caga-dhigteen dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho guutadii ugu horeysay ee ka socda dalka Uganda.
Col Paddy Ankunda oo kamid ahaa kooxdii ugu horeysay ee ka mid ah ciidamada Uganda ayaa sheegay in habeenkii ugu horeeyay oo ciidamadooda ay yimaadeen magaalada Muqdisho in weeraro kala kulmeen Alshabaab iyaga oo isku haleynayay ciidamada Ethiopia iyo kuwa Soomaalida.
Ankunda ayaa sheegay in ciidamadii ka socday dowlada Ethiopia ay ka baxeen dalka Soomaaliya bishii January sanadkii 2009, wuxuuna sheegay in xiligaasi kadib AMISOM ay bartilmaameyd u noqotay weerarada Alshabaab.
Isla bishii February ee sanadkii 2009 Alshabaab ayaa qaaday weeraro kala duwan oo ay ku dileen 11 askar oo u dhashay dalka Burundi, ayna ku dhawaceen 15 kale, waxaana weerarkii labaad ay qaadeen bishii September iyaga oo dilay 17 askari oo uu ku jiray ku xigeenka taliyaha ciidamada oo lagu magacaabayay Gen Juvenal Niyoyunguruza.
Muddo badan oo Soomaaliya ay ku sugan yihiin ayuu sheegay Ankunda in ciidamada AMISOM ay ku guuleysteen in Alshabaab ay ka saaraan deegaano badan oo ku yaala dalka Soomaaliya.
Weerarada ugu badan ayuu sheegay iney kala kulmayeen Xisbul Islaam iyo Alshabaab.
Sidoo kale wuxuu sheegay in Alshabaab sanadkii 2009 ay badankood isaga baxeen magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.


