South Afrika-RisaalaFM- Dhamaadka bishii hore ee August tuulooyin hoos taga magaalada Johanesburg ee dalka Koonfur Afrika ayaa laga barakiciyay ganacsatadii ajaaniibta aheyd, kuwaasi oo badankood ahaa Soomaali, Itoobiyaan iyo Bangaladesh.
Weerarkaan oo ay hormuud ka ahaayeen dadka degaanka ee tuulada Soweto ayaa waxaa boob iyo dhac loogu geystay ku dhawaad Konton mehradood, waxaana laga badbaashay boqolaal kale oo gurmad ka helay jaaliyadda Soomaalida iyo ciidamada ammaanka.
Arrinkan ayaa yimid kadib markii farriimo xambaarsan jinsi naceyb baraha bulshada soo dhigeen dad ku eedeeynayo ganacsiga ajaaniibta ah in bulshada ka iibiyaan cunto dhacsan.
Koonfur Afrika ayaa horey u sheegtay in ilaa 15 ruux loo soo xiray eedaha la xiriira boobka iyo dilka loo geystay ajaanibta goobaha ganacsi ku leh Koonfur Afrika oo Soomaalida ay ku jiraan.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya koofur afrika Amb. jamaal Maxamed Barrow oo ka warbixiyay tallaabadii Safaaraddu ka qaaday arrinkaas ayaa sheegay in dowladda Koonfur Afrika kala hadleen dadkii halkaasi lagu wax yeelleeyay hantidoodina lagu dhacay.
Wuxuu kaloo sheegay in aysan marna raali ka aheyn dilalka iyo boobka loo geysanayo ganacsatada Soomaaliyeed, safaaraddana ay ku dadaaleyso sidii ay wax badan uga qaban laheyd dhibaatooyinka jira.
Marka laga soo tago dilalka qorsheysan ee muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo dhaca loo geysanayo goobohooda ganacsi ayaa hadana waxa ay dhibaatooyin ku qabaan helida sharciga dal ku jooga oo ay bixiso dowladda South Afrika.


