Saddex ruux oo lagu dilay iskuul ku yaalla Maraykanka

Booliska dalka Mareykanka ayaa sheegay in labo dhallinyaro ah iyo hal canug ay ku dhinteen weerar ka dhacay fasal ka mid ah dugsi hoose oo ku yaalla magaalada Bernardino ee dalka Maraykanka.

Ninka looga shakiyay in uu weerarka geystay ayaa toogasho ku dilay xaaskiisii hore iyo macallin, wuxuuna sidoo kale dhaawacay laba caruur ah oo mid kamid ah uu u dhintay dhaawicii soo gaaray, iyadoo markii dambe ninkaasi uu is idilay.

Madaxa booliska ee deegaankaas Jarrod Burguan ayaa dhacdadani ku tilmaamay in ay tahay mid ay uga shakiyeen “isku day is dilid”.

Masuuliiyiintu waxay intaa ku dareen in ninka weerarka soo qaaday oo 53 jir ah, laguna magacaabo Cedric Anderson uu gudaha u galay iskoolkaasi isagoo iska dhigaya qof marti ah, waxaana uu hoosta gashaday hubkii uu watay inta uusan weerarku ku qaadin 15 caruur ah oo halkaasi wax lagu barayay kuwaa oo ah carruur u baahan xannaanayn gaar ah.