Saddex Maamul Goboleed oo ka qeyb-galaya Shirka Iskaashiga Somalia

Magalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya  waxaa Maalintii labaad ka socda Shirka Caalamiga ah ee madasha iskaashiga Soomaaliya,kaas oo ay ka qeyb-galayaan Wakiilo ka socda Beesha Caalamka & Madax ka tirsan dowladda.

Shirka ayaa waxaa sidoo kale ku sugan Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/Casiis laftagareen, Madaxweynaha  Hir-Shabeelle Maamed Cabdi Waare  iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, iyada oo shirkaasi ka qeyb-galkiisa ay qaadaceen Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland.

Sidoo kale waxaa shirka ku sugan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali kheyreinta badan Xubnaha Golihiisa Wasiirada iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa in Gelinka dambe ee Maanta in uu shirka ku biro,isla markaana uu soo xiro lagana soo saaro Warmurtiyeed.