Sacuudiga oo qabtay gantaal ku sii socday Riyaadh

Isbeheysiga uu Sacuudiga hoggaaminayo ee dagaalka kula jiro Xuutiyiinta Yaman ayaa sheegay in ay qabteen gantaal ku sii jeeday magaalada Riyaadh, sida uu baahiyay TV-ga dowladda Sacuudiga.

Goobjoogayaal ku sugan caasimadda Sacuudiga ayaa sheegay in ay maqleen qarax. Waxay sidoo kale baraha bulshada geliyeen qiiq ka baxayo dhanka hawada sare.

Mucaaradka Xuutiyiinta ayaa TV-gooda Al-Masirah ka sheegay in gantaalka loo garanayo Burkan-2 ay u rideen dhanka qasriga Yemen.

Bishii la soo dhaafay, gantaal kaa la mid ah ayaa ku dhowaaday garoonka diyaaradaha ee Riyadh.