Muqdisho-RisaalaFM- Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa kulan ah la qaatay Xildhibaanadda labada Aqal ee dhawaan laga soo doortay degaanadda Galmudug,
Kulankan ayaa ka qeyb ka ahaa kulamada Musharaxiinta Madaxweynaha ay la qaadanayaan Xildhibaanada labada Aqal ee laga soo doortay degaanada maamul goboleedyada.
Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid ayaa ka codsaday Xildhibaanada laga soo doortay Galmudug inay taageeraan barnaamijkiisa Siyaasadeed, maadama uu ka mid yahay Murashaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha.



