Muqdisho-RisaalaFM- Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka waqtigiisa uu sii dhamaanayo Mahad Cabdalla Cawad oo sharaxayay shaqooyinka xubnaha Aqalka Sare ayaa waxa uu sheegay in ay yihiin wakiilo ka socda Dowlad Goboleedyada.
Waxa uu sheegay in wakiiladaas ay ilaalin doonaan danaha Dowlad Goboleedyada Dowladda Dhexe.
Mahad Cabdalla Cawad Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu sheegay wakiiladan in ay sidoo kale yareyn karaan khilaafaadka mararka qaar soo kala dhexgali jiray Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe.
Dad fara badan oo Soomaaliyeed ayaa ku jah wareersanaa micnaha Aqalka Sare, taas oo ay sheegeen in aysan ka war qabin waxa uu yahay iyo baahida xilligan Soomaaliya ay u qaadatay.


