R/wasaaraha oo la kulmay Madaxweynaha Jubbaland

Kismaayo-RisaalaFM- Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/Rashiid Cali Sharmaarke iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Kismaayo ee xaunta Gobolka Jubbada Hoose.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland iyo xubno kale.

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/Rashiid Cali Sharmaarke iyo Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa waxa ay qaateen kulan mudo saacado ah socday, kaas oo ay uga hadleen arrimaha Doorashooyinka Dalka, gaar ahaan kuwa ka dhacaya Deegaanada Jubbaland.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan booqashada Ra’iisul Wasaaraha, sidoo kalena ay ka wadaan howlaha Doorashada.

Ugu dambeyntii Cumar C/Rashiid Cali Sharmaarke Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dhankiisa warbaahinta la hadlay ayaa ku baaqay in la dar dar geliyo Doorashada Aqalka Hoose ee Deegaanada Jubbaland.