Gareth Bale Oo Ku Guuleystay Laacibka Sanadka Wales

Gareth Bale ayaa loo magacaabay ciyaaryahanka sanadka Wales markii lixaad waana sanadkii afaraad ee xiriir ah weeraryahanka 27 jirka ah uu ku guuleysanayo abaaalmarintaan.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Stoke Joe Allen oo labo jeer heysaya abaalmarinta – ayaa isna loo magbaacay ciyaaryahanka taageerayaasha- halka Eetaan Ampadu, oo 16,jir ah loo magcaabay da’yarka ugu fiicnaa Wales.

Natasha Harding ayaa loo magacaabay ciyaaryahanada haweenka sanadka, iyadoo Sophie Ingle ay ku guuleystay ciyaartoyda haweenka ee taageerayaasha sanadka.
Bronwen Thomas ayaa loo magacaabay ciyaaryahanada da’ yarta sanadka dumarka, halka Phil Baker ciyaryahankii ugu fiicnaa Welsh Premier League.

abaalmarinta oo ay sameyso warbaahinta Wales waxaa bilado kale lagu siiyay daafaca Reading Chris Gunter, iyo tababaraha xulka  Wales Chris Coleman, kaasoo hore loogu magcaabay liiska 10-ka macalin ee u sharaxan tababaraha sanadka FIFA.