Jabuuti-RisaalaFM- Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada DJabuuti ee Dalka Jabuuti.
Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Dalka Jabuuti ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Jabuuti.
Intaas kadib Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa loo galbiyay Howlka nasashada Garoonka Diyaaradaha, waxaana uu halkaasi kulamo kula qaatay Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo arrimo la xiriira Doorashooyinka sanadkan Soomaaliya ka dhacaya.


