RW Xamsa oo sheegay in dhaawacan xun la gaarsiiyay Al-shabaab, kadib duulaan ay soo qaadeen

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in dalka uu ka socdo dagaal adag oo lagula jiro cadowga Khawaarijta ee nabadda iyo horumarka diiddan, jab xoogganna ay gaarsiiyeen ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka, xilli uu ka hadlayey munaasabad Af-fur wadareed ah oo ay iskugu yimaadeen ardaydii Soomaaliyeed ee wax ku bartay dalka Malaysia.
“Qorshuhu ma ahan oo kaliya in Khawaarijta la iska celiyo ee waa in dalka laga tirtiro, maxaa yeelay wax horumar ah dalkeennu ma sameyn karo inta ay taako ka mid ah joogaan, waana lagama maarmaan in aan dhammaanteen u midowno dagaalkooda”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.
Ra’iisul Wasaaruhu ayaa waxaa uu sheegay in Al-shabaab dhaawac xun la gaarsiiyay, kadib markii ay duulaan soo qaadeen, islamarkaana waxaa uu tilmaamay in jab xooggan la gaarsiiyay oo la soo afjaray duulaankooda.
Sidoo kale RW  Xamsa , ayaa guud ahaan shacabka ugu baaqay in ay kaalintooda ka qaataan nabadda, horumarka iyo dowlad-dhiska socda, si loo xaqiijiyo hiigsiga ummadda Soomaaliyeed ee ku aaddan Soomaaliya xasilloon oo horumar gaarta.