Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Wasiirada, Maaliyadda, Caafimaadka , Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waxaana kulanka ay uga wada hadleen abaaraha kajira meelo kamid ahJubbaland iyo sida dadka ay saameysay loogu gurman lahaa.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku baaqay in loo gurmado dadka ay abaartu ku saameysay degaano katirsan Maamulka Jubbaland, isla markaana ay go’aansadeen badbaadinta Shacabka Soomaaliyeed.
“ Waxa aan xanuunka la qeybsanayaa dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku tabaaleysan Jubaland. Xukuumaddu waxay la gaari doontaa gurmad deg deg ah. Shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adaha samafalkana waxaan ugu baaqayaa in ay kaalin ka qaataan sidii loo gargaari lahaa walaalheenna abaarta la il daran ayuu yiri” Ra’iisul Wasaare Rooble.
Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Maalinta berito ah ama Maalinta kuxigta si deg deg ah gurmad kala duwan la gaarsiin doono dadka a abaartu ku sameysay Jubbaland , wuxuuna Shacbaka Soomaliyeed uu ugu baaqay inay ka qyeb qaataan gurmadka dadkaasi.
Qaar kamid ah degaano iyo degmooyin kuyaalla Jubbaland ayaa waxaa xilligaan kajira abaar baahsan, waxaana dhawaan qeylo dhaan ka muujiyay Madaxwqeyanaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.



