Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa mar kale isaga imaanaya xaaladda dalka Suuriya, ayadoo dalalka golahan ku jira ay isu awood sheeganayaan.
Xubnaha ka soo jeeda dalalka galbeedka waxay ku dhaaranayaan in maalmaha soo socda uu soo bixi doono qaraar cusub oo ka hadlaya hubka kiimikada ah ee dagaalka loo isticmaalay.
Maraykanka iyo Ruushkana hadallo adag ayey is dhaafsadeen.
Xubnaha golahan ayaa yeeshay shir wadatashi ah oo ay albaada u laaban yihiin, si ay isugu dayaan in ay ku heshiiyaan qodobada qaraarkan ee dowladda Suuriya ka mamnuucayo in laga iibiyo diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Helikoptarka loo yaqaan isla markaana lagu saarayo cunaqabatayn jawaab u ah weerarro loo adeegsaday hubka kiimikada ah oo dalkaasi ka dhacay.
Xukuumadda Dimishiq ayaa beenisay in ay iyada ku lug lahayd weeraradaasi.
Balse ku xigeenka safiirka Ruushka u fadhiya Qaramada Midoobey Vladimir Safronkov oo shir jaraa’id qabtay ayaa waxa uu ballan qaaday in dalkiisa uu diidmada qayaxayan uu kala hor imaan doono qaraar kastaa oo noocaasi ah, waxa uuna qaraarkaasi ku tilmaamay daan-daansi.


