Ciyaariyahanka Wali Aan Mustaqbalkiisa Dhinaca Loo Dhigin Ee Alexis Sanchez Oo Talo ka Helay Saxiibkiisa

Gary Medel oo ay dhalasho wadaagaan Alexis Sanchez ayaa ku booriyay saaxiibkiisa inuu isaga tago Arsenal isla markaana uu ku biiro Inter Milan.

Sanchez mustaqbalkiisa wali waxaa dulsaaran Su’aal (?), waxaana la isla dhexmarayaa warar xan ah oo ku jiidaya kooxaha waaweyn ee qaaradda yurub inkastoo aan la ogeyn sida ay u socdaan wada xaajoodkii heshiis kordhinta.

Real Madrid, Juventus iyo AC Milan ayaa dhamaantood lala xiriirinayaa xidigaan heerka caalami, balse markaan wuxuu talo ka helay saaxiibkiisa qaranka Chile Gary Medel.

“Alexis waa ciyaariyahan qof walba uu yaqaano. waa mid ka mid ah weeraryahanada ay raadinayan kooxaha waaweyn” Ayuu Medel u sheegay Corriere dello Sport.

“Ma garan kar o waxa uu mustaqbalkiisa noqon doono, balse hadii uu i weydiiyo xog ku saabsan Inter Milan, waxaan dhihi doonaa halkaan waxaa jooga koox weyn, leh macalin wanaagsan iyo agaasimeyaal kuwaas oo u baahan guulo. mana ka heli doontid qorshahaan meel kale”

Dhinaca kalana Medel ayaa qudhiisa  mustaqbalkiisa ku saleeyay magaalada Milan wuxuuna doonayaa inuu heshiiska u kordhiyo.

Xigasho Laacib.net