Wayne Rooney ayaa ku gacan seyray dalab labaad oo kaga yimid kooxaha Chinese Super League – sabab la xiriirta isaga oo doonaya inuu sii jooga Old Trafford.
Kabtanka Manchester United iyo wakiilkiisa Paul Stretford ayaa muddo dheer bartilmeed u ahaa kooxaha Asian – waxase uu hadda diiday dalbkii losoo diray sida lagu sheegay Sunday People.
United oo todobaadkii la soo dhaafay waxaa la baahiyay inay aqbali karaan dalabka kaga yimid kooxda ka dhisan Chinese Super League kasoo ay ku dooneysay Rooney.
Rooney ayaa sheegay inuu si buuxda u go’aansay inuu sii joogo ugu yaraan ilaa iyo 2018 kooxda Manchester United.
Waxa uu dhawaan jabiyay rikoorka ninka ugu goolasha badan Uniteed ee Bobby Charlton ,waxaana uu doonayaa inuu magic weyn ka sameeyay garoonka Trafford.


