Weeraryahanka kooxdda Man United Wayne Rooney ayaa caawa qarka u saran inuu taariiq sameeyo hadii uu gool u dhaliyo kooxdiisa.
Kabtanka Ingriiska ayaa dib loogu yeeray kulanka caawa ka dhacaya Old Trafford ee dhex mari doona Man United iyo West Ham ciyaartaas oo ka tirsan quarter-final-ha tartanka EFL Cup.
Wayne waxaa uu heli karaa inuu jabiyo rikoorka ninka ugu gool dhalinta badan Man United ee Sir Bobby Charlton kaas oo 249 gool u dhaliyay kooxdda, waxaana uu rikoorkaan taagnaa mudo 43 sano ah.
Rooney oo 31 jir ah ayaa u baahan hal gool si rikoorkaas uu u bar bareeyo madaama uu isagu heysto 248 gool.
Charlton ayaa Man United u saftay 758 kulan kadib 17 sano oo uu xirnaa funaanada casaanka ah halka Rooney uu Man United u saftay 538 kulan isagooo funaanada Man Uniuted xirnaa 12 sano.
Ciyaartooyda ugu gool dhalinta badan Man United

Kooxaha ugu badan ee Wayne Rooney goolal ka dhaliyay.



