Ronaldo ayaa la kulmay milkiilayaasha kooxda Paris Saint-Germain SHAN jeer, sida ay sheegayaan wararka France ka imaanaya.
Waxaa la kashifay in xiddiga Real Madrid uu la kulmay madaxweynaha kooxda Nasser Al-Khelaifi, oo ay qaateen shirarka kala duwan waxaana ugu dambeeyay isbuucii la soo dhaafay.
Waxaa la sawiray iyagoo kuwada casheynaya hotel habeen ninka sadexda jeer ku guuleystay Ballon d’Or uu hat-trick guusha ka dhaliyay kooxda Wolfsburg Champions League.
Cristiano Ronaldo celebrates scoring a sensational hat-trick for Real Madrid against Wolfsburg
France Football ayaa sheegtay in uu ka dhacay kulankii ugu dambeeyay caasimada Faransiiska ioo uu kusugnaa madaxweynaha PSG Al-Khelaifi.
Ronaldo ayaa lagu soo waramayaa inuu kulan kale kula qaatay Hotel Costes, halkaas oo madaxda PSG kala hadlay arimo sir ah,
CR7 ayaa dhowr jeer lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo kooxda PSG.


