Xiddigii hore ee Real Madrid iyo Barcelona Ronaldo Nazario ayaa sharaxay hamigiisa weyn ee uu ka qabo kooxda Real Valladolid.
Xiddiga reer Brazil ayaa iibsaday naadiga La Liga sanadkii la soo dhaafay wuxuuna sheegay inuu doonayo inuu u dhiso Valladolid xarun caalami ah.
Ku biiristiisii Barcelona iyo Real Madrid
Ronaldo ayaa sidoo kale ka hadlay u ciyaarista Barca, Real Madrid iyo udub dhexaadkii uu u ahaa shaxdii Galacticos.
“Waxaan la ciyaaray Roberto Carlos xulka qaranka marwalbana wuu igala hadli jiray waxa ay la micno tahay u ciyaarista Real Madrid. Runtii aniga ayaa doortay inaan u dhaqaaqo.
Sannado kadib, waxaan doonayay inaan taas nafsadeyda tuso. Waxaan imid Real Madrid, waxaanan ogaaday inay ahayd koox ka weyn xitaa waxa Roberto Carlos ii sheegay iyo wixii aan filaayey wax kala duwanaayeen!
Ronaldo saameyntiisii Galacticos:
“Waxyaabaha laga filayo ‘galacticos’ waxay ahaayeen kuwo aad u weyn. Waxaan bixinay tabo fara badan. Waxaan nahay jiil guuleysta, jiil badalay habka ganacsiga looga sameeyo kubada cagta. ”
Ronaldo waa milkiilaha kooxda La Liga ee Real Valladolid, wuxuuna ka hadlay wixii uu ka bartay Florentino Perez:
“Halkan Real Valladolid, ma ahan inaan noqono koox goboleed. Waa inaan marka hore noqono koox qaran, ka dib koox naadi ah.
Waxaan ka bartay Florentino waxbadan. Waxaan qeyb muhiim ah ka ahaa mashruucii ‘galacticos’. Waxaan isku dayaa inaan halkaan ku dabaqi karo fikradihiisa. Weli waxaan wadaa hal abuur cusub, xitaa maanta. ”
Sida uu kaga tagay Barcelona:
Waxaan saxiixay qandaraas cusbooneysiin dhamaadka xilli ciyaareedka. Waxaan aaday waajibaadka caalamiga ah ee xulka Brazil shan maalmood kadib ayeey i soo waceen si ay u cusbooneysiiyaan heshiiskeyga
Aniga Waxaan doonayay inaan joogo laakiin kooxda ayaan igu qiimeynin sida aan dareemayay ugu dambeyn gacmahooda ayaan ka baxsaday ayuu yiri.
Ronaldo waa milkiilaha inta badan kooxda LaLiga Real Valladolid, wuxuuna ka hadlay wixii uu ka bartay Florentino Perez:
“Halkan Real Valladolid, ma ahan inaan noqono koox goboleed. Waa inaan marka hore noqono koox qaran, ka dib koox naadi ah.
Waxaan ka bartay Florentino waxbadan. Waxaan qeyb muhiim ah ka ahaa mashruucan ‘galacticos’. Waxaan isku dayaa inaan halkaan ku dabaqi karo fikradihiisa. Weli waa hal abuur cusub, xitaa maanta. “



