Madaxweynaha Puntland oo Guddi Magacaabey

Wareegto kasoo baxdey Xafiiska Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa lagu Magacaabey Guddi ka Shaqeeya qaban qaraabada Shirkii uu horey u ilaamiyey.

Hoos Ka Akhriso Magacaabista Guddiga

Madaxweynaha  Puntland, isagoo ka duulaya warmurtiyeedkii kasoo baxay Shirkii Golaha Xukuumadda  Puntland ee ka qabsoomay magaaladda Boosaaso, Bishii February 7, 2020, Shirkaas oo nuxurkiisa ay kamid ahayd in la qabto shir weyne wada tashi ah 15ka Bisha March 2020 oo ay isugu imaanayaan Golayaasha Puntland iyo Wakiillada ku matala Dowladda Federaalka, Dhaqanka, Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka si looga tashado mustaqbalka Puntland iyo doorkeeda ku aadan midnimada iyo hirgalinta hanaanka Federaaleynta Dalka.

Sidaas darteed, Madaxweynaha Puntland wuxuu u magacaabay Gudiga Qabanqaabada Shirka Wada-tashiga Dowladda Puntland xubnaha hoos ku xusan:

1. Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyadda _ Gudoomiye.

2. Ilyaas Cismaan Lugatoor, Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada _ Gudoomiye ku-xigeen.

3. Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino), Wasiirka Wasaaradda Dekeddaha _Xubin.

4. Fardowsa Cismaan Cigaal, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha _ Xubin.

5. Laylo Cabdi Cartan, Lataliyaha Madaxwaynaha _ Xubin.

6. Cabdiraxmaan Diiriye Carab, Xildhibaan _ Xubin.

7. Mahdi Siciid Xasan, Xildhibaan _ Xubin.

8. Cabdiraxmaan Maxamed Bangax, Bulshada rayidka _ Xubin.

9. Maxamuud Ismaaciil Ciyoon, Bulshada rayidka _ Xubin.

10. Axmed Cabaas Axmed, Bulshada rayidka _ Xubin.

11. Cabdiraxmaan Diiriye Samatar (Shuuqe), Bulshada rayidka _ Xubin.