Roman Abramovich Oo U Ogolaaday Chelsea Inay 120 Milyan Ginni Ku Qarashgareyso Soo Xerogelinta Xiddigaan

Milkiile Roman Abramovich ayaa ku caawinaya Chelsea inay la soo wareegto xiddiga Borussia Dortmund Jadon Sancho sida ay sheegayaan wararka.

Chelsea ayaa isku dayday inay bishaan Janaayo la soo wareegto xiddiga Ingariiska Sancho laakiin waxay haatan u muuqataa inay la soo wareegi doonaan xagaaga.

Wararka ka soo baxaya Jarmalka ayaa sheegaya in Borussia Dortmund ay durbaba raadineyso bedelka Sancho kaasoo la filayo inuu baxo dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Chelsea ayaa ugu cadcad saxiixa 19 jirkaan iyadoo wararka ay sheegayaan in kooxda galbeedka London ka dhisan ay ku dhow dahay inay dhameystirto heshiis 120 milyan gini ah.

Sida uu sheegay joornaaliistaha caanka ah ee Duncan Castles, milkiile Roman Abramovich iyo agaasime Marina Granovskaia ayaa si weyn u doonaya inay Sancho keenaan Stamford Bridge si ay u noqoto fariin ay u diraan kooxaha kale ee Ingariiska iyo Yurub.

Sancho ayaa noqday mid ka mid ah xiddigaha da’da yar ee ugu fiican Yurub tan iyo markii uu ku biiray Dortmund isagoo u dhaliyay 26 gool islamarkaana caawiye ka noqday 36 gool 79 kulan uu u saftay.