Roman Abramovich ayaa kulan degdeg la qaaedan dona Antonio Conte ka hor inta aan lagu dhawaaqin magcaabistiisa macalinka Talyaaniga.
Tababaraha Italy ayaa la filayaa in -heshiis seddex sanno ah uu ugu wareego kooxda Blues ka dib marka uu soo gabagabeeyo wajibka xulkiisa ee cayaaraha Euro 2016.
The Sun ayaa sheegtay in billionair-ka Ruushka uu doonayo shirka kama dambays ah oo fool-ka-fool ah inuu kula qaato Conte magaalada Monte Carlo hor inta uusan go’aan kama dambays ah ka gaarin mustaqbalkiisa.
Conte ayaa doonaya in uu heshiis la gaaro Chelsea , ka hor kulanka xulkiisa la qadanayaan Spain dhamaadka bisha soo socota.
Tababaraha Talyaaniga ayaa waxaa horay uu u sheegay inuu qorshaynayo in ciyaartoyda uu doonayo uu keensado Stamford Bridge.
The Times ayaa sheegtay in abada ciyaaryahan ee Roma Miralem Pjanic iyo Radja Nainggolan ay yihiin liiska magacyada uu doonayo kuwa ugu horeeya.
.Pjanic ayaa dhaliyay sagaal gool ,sideed wuu cawiyay 24 kulan oo Serie A xilli ciyaareedkan usaftay kooxdiisa.
Iyadoo Nainggolan, uu soo jiidanayo Manchester United ayaa haddana waxaa hadda kusoo biirtya dagaalkiisa kooxda Chelsea.
Dhanka kale, tababaraha ku meel gaarka Guus Hiddink ayaa kusocda wadadii uu kooxdiisa tartamada Yurub ku keeni lahaa ka dib markii ay 2-1 kaga badiyeen Norwich xalay – waana kulankii saddexaad oo isku xigta oo ay badiyeen Premier League.
Chelsea ayaa shan dhibcood ka dambeysa kooxda United iyadoo siddeed ka dambeya Manchester City oo kaalinta afaraad kujirta.
“Hadda hamiga kooxda Chelsea waa in aan bartilmaameed cusub ka dhiganaa tartamada Europe,” ayuu yiri Hiddink.


