Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay xiiso u qabto saxiixa weeraryahanka kooxda Watford Odion Ighalo – laakiin Chelsea ayaa kooxda Hornets u gaartay maanta’£ 20 million oo ah lacagta lagu qiimeeyo.
Ighalo,oo 26, ayaa si weyn u soo jiitay xilli ciyaareedkan kooxaha waweyn ee Premier League.
Xididga heerka caalami ee dalka Nigeria ayaa dhaliyay 15 gool xilli ciyaareedkan, waxaana dalabyo badabn lasoo garsiiyay kooxdiisa Watford.
Laakiin waxaa laga yaabaa in la iibinayo xagaaga, kooxo badan ayaa doondoonaya saxiixiisa.
Daily Mail ayaa sheegaysa in mid ka mid ah kooxaha Arsenal,ama Chelsea uu ku biiri doono,kuwaasoo isha ku haya ,lakiin Chelsea ayaa hadda qiimo sax ah soo bandhigtay..
Tababaraha Gunners Arsene Wenger ayaa kaliyua lasoo saxiixday bishii January Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Mohamed Elneny –
Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay £ 75 m ciyaartooy cusub kusoo iibsan doono marka suuqa kala iibsiga uu furmo.


