Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay weli isha ku heyso inay iska iibiso James Rodriguez, inkastoo tababare Zinedine Zidane uu codsaday in xiddiga reer Colombia uu sii joogo Bernabeu.
Rodriguez wuxuu amaah ku qaatay labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeysay Bayern Munich, laakiin kooxda Bavaria ayaa go’aansatay inaysan si rasmi ah u iibsan xagaagan.
Sida laga soo xigtay Don Balon, Zidane ayaa ah xubinta kaliya ee madaxda Los Blancos ka tirsan ee doonaya inuu sii joogo 28-jirkaan, iyadoo madaxweynaha kooxda Florentino Perez uu doonayo inuu meesha laga saaro xiddigaan.
Xiddigii hore ee kooxda AS Monaco ayaa kulankiisii ugu horreeyay u ciyaaray Madrid wax ka badan laba sano kadib ciyaartii Real Valladolid eee sabtidii, isagoo ciyaaray 57 daqiiqo ka hor inta aan lagu bedelin Vinicius Junior kulankii 1-1 kusoo dhamaaday.
Laacibka laftiisa ayaa la fahansan yahay inuu diyaar u yahay inuu kusii nagaado Bernabeu, wuxuuna aamisan yahay inuu mar kale u dagaalami karo bookiisa joogtada ah.
Kooxaha Atletico Madrid iyo Napoli ayaa ka mid ah kooxaha sida weyn u baadi goobaya saxiixa Rodriguez xagaagan, laakiin hadda waxay umuuqataa inaysan macquul aheyn inay helaan.



