Antoine Griezmann ayaa dhaliyay labo gool iyadoo Barcelona ay ka ay 5-2 kaga badiyeen Real Betis kulankii xalay ka dhacay Camp Nou.
Nabil Fekir ayaa si layaableh ugu dhiibay hogaanka kooxda Betis daqiiqadii 15-aad ee ciyaarta – taaasoo soo dhaweysay marki ugu horreysay ay Barca guuldarro labada oo xiriir ah soo gaarato ka dib markii ay guuldarro kala kulantay furitaanka xilli ciyaareedka kooxda Athletic Bilbao.
Griezmann ayaa dhaliyay goolka barnaraha ka hor qeynta nasashada ee ciyaarta, si kastaba ha ahaatee wuxuu saxiixay goolka labaad ka hor inta Carles Perez, Jordi Alba iyo Arturo Vidal shabaqa soo taabanin.
Loren Moron ayaa dhaliyay goolka labaad ee Real Betis oo guularro 5-2 ah ka qaabishay kooxda Barcelona.



