Real Madrid oo Shaacisay Hadal Bahdilaad ku ah Eden Hazard

Real Madrid ayaa bixin doonta lacag kaash ah xagaagan kaliya haddii ay helayaan mid ka mid ah saxiixyada Kylian Mbappe ama Neymar Sida laga soo xigtay ‘El Larguero.

kooxda ayaa wadnaha ku haysa sidii ay ku heli laheyd mid ka mid ah labadaan ciyaaaryahan, mana qarashgareyso inay bixiso lacag kaash ah.

Ka dib markii Cristiano Ronaldo uu u wareegay Juventus, kooxda reer Spain ayaa waxaa soo kordhaya wararka la xiriirinaya ciyaartooyda Neymay Kylian Mbappe

Si kastaba ha ahaatee, wargeyska El Larguero” ayaa soo warineya in kooxda ay ku qarashgareyneyso kaliya lacag kaash ah oo weyn saxiixyada mid ka mid ah Mbappe ama Neymar oo u ciyaara kooxda ka dhisan horyaalka Faransiiska ee PSG.

Ronaldo waxaa bedelkiisa u muuqda ka mid ah xiddigaha kooxda reer France, iyadoo Madrid ay isku diyaarineyso inay sugto ilaa bilowga xilli ciyaareed.

Waxaa la sheegayaa in qiimo € 200m ah ka badan aysan bixin doonin Los Blancos hadii aysan heleyn mid ka mid ah labadaas ciyaaryahan, taasoo ka dhigan in Eden Hazard uusan lacag waali ah kaga tagi doonin Chelsea.