Muqdisho-RisaalaFM- Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Degmada Dharkeenley gobolka Banaadir waxaa halkaasi lagu dilay Askari ka tirsanaa ciidamada Dowladda.
Xilliga Askariga la dilayay ayaa waxaa la sheegay in uu ku sugnaa goob gaadiidka dadweynaha laga raaco, waxaana uu ka mid ahaa Ciidamada ka howlgalla degmada Dharkeenley.
Laba dhalinyaro ah oo Bistoolado watay ayaa toogtay askarigaasi, kuwaasi oo durbadiiba meesha ka baxsaday markii ay fuliyeen dilka askariga.
Dableydii dilka gaysatay ayaa meesha ka baxsatay, iyadoo dilka kadib goobta ay tageen ciidamo ka tirsan dowladda oo sameeyay Baaritaan, aanan la ogeyn cida lagu soo qabtay.


