Real Madrid oo heshay dalab ku aaddan mid ka mid ah weeraryahannadeeda

Naadiga AC Milan ayaa dalab rasmi ah oo ku aadan Karim Benzema u gudbisay naadiga Real Madrid sida ay ku warramayso Don Balon.

Weeraryahankan ayaa horraan lala xiriiriyay u dhaqaaqitaanka Serie A-da kooxda ka ciyaarta suuqii xagaaga, hase ahaate waa uu beeniyay isagoo si caro leh kaga jawaabay.

Si kastaba ha ahaatee, miiska Madaxweyne Florentino Perez waxaa toddobaadkan la ogaaday inuu soo gaarray dalab ku kacayay €65m kaasoo Milan ay kasoo gudbisay xiddigga reer France.

Kooxda reer Taliyaania ayaa sidoo kale qorsheynaysa in Benzema ay siiyaan mushaarka uu hadda ka qaato caasimadda dalka Spain.

Sida laga soo xiganayo Don Balon, Laacibkii hore ee Lyon ayaa ay u badantahay inuu iska diidayo qorshaha Roseneri, maadaama uu xushmeynayo qandaraaska uu kula jiro kooxda Real Madrid.

30-jirkan ayaa Santiago Bernabeu ku jooga heshiis gaaraya illaa dhammaadka bisha June ee sanadda 2021.

Dhanka kale Los Blancos ayaa heshiiska Milan ka doorbdiysa in Benzema ay ka qayb dhigaan qorsho ay damacsanyihiin in Inter ay kaga soo qaataan Mauro Icardi.