Halka sabab ee ay Manchester United ku ceyrin doonto Jose Mourinho!

Waxaa lagu soo waramayaa in kooxda kubadda cagta ee Manchester United ay raacdeyn doonto tababare Jose Mourinho haddii uu awoodi waayay inuu xilli ciyaareedka dambe Champions League-ga kasoo qayb geliyo.

United ayaa hadda fadhisa booska Siddeedaad ee kala sarraynta horyaalka Ingiriiska ka dib 12 kullan oo la ciyaarray, waxaana hooggaanka ay u jirtaa 12 dhibcood.

Waxaa sii kordha marwalba cadaadiska iyo eedeymaha Jose Mourinho ku wajahan, waxaana ay taasi dhalisay in aad loo hadal hayo xilliga Red Devils ay ceyrin karto ka dib guuldarradii kasoo gaartay Manchester City Axaddii.

Mourinho ayaa xilli ciyaareedkan waxaa soo garray kooxdiisa afar guuldarro, waxaana ay fadhiyaan meel ka hooseysa Watford iyo Bournemouth, sidoo kale booska afaraad ayay u jiraan toddobo dhibcood oo ay ka hooseeyaan Tottenham.

Majaladda kasoo baxda Ingiriiska ee The Sun ayaa werrineysa in maamulka Manchester United ay qorsheynayaan inay shaqada ka ceyriyaan Mourinho haddii uu dhammaadka xilli ciyaareedkan ku guuldarreysto inuu ku dhammeysto boosaska loogaga qayb galo tartanka Champions League-ga xilli ciyaareedka xiga.

Haddii ay dhacdo in United ay ceyriso macallinka reer Portugal waxa uu heli doonaa £15m oo ah mushaarkiisa sanadka ka haray qandaraaskiisa, sida ay The Sun qoreyso.

55-jirkan ayaa horraantii sanadkan saxiixay heshiis uu kusii joogayo Masraxa Riyooyinka illaa iyo 2020.