RASMI: Philippe Coutinho Oo Ku Dhawaaqay Inuu Ka Ambobaxay Bayern Munich & Kooxda Uu Kusii Jeedo Oo Uu Caddeeyey

Lisbon (Portugal), 23/08/2020.- Philippe Coutinho of Bayern celebrates with the trophy after winning the UEFA Champions League final between Paris Saint-Germain and Bayern Munich in Lisbon, Portugal, 23 August 2020. Bayern won 1-0. (Liga de Campeones, Lisboa) EFE/EPA/Manu Fernandez / POOL

Xiddiga reer Brazil ee Philippe Coutinho ayaa ku dhawaaqay inuu ka tegayo Bayern Munich kaddib markii uu xalay kula guuleystay Koobka Champions League isaga oo xili ciyaareed amaah ah kula joogay Bavaria.

Coutinho ayaa beddel kusoo galay qaybtii dambe ee ciyaartii xalay ay Bayern Munich 1-0 kaga adkaaday PSG ee ay ku qaadday koobka Champions League, waxaana farxaddii uu ciyaartoyda kooxdiisa kula wadaagay gudaha garoonka kaddib uu la hadlay warbaahinta, waxaanu caddeeyey inuu soo dhamaaday waqtigiisii Munich oo uu hadda xidh-xidhanayo.

Laacibkan ayaa si buuxda ugu macasalaameeyey ciyaartoyda garoonka dhexdiisa, waxaanu caddeeyey halka uu kusii jeedo oo ah inuu ku laabanayo kooxdii uu amaahda kaga yimid ee Barcelona, laakiin waxa uu xusay in aanu hubin inuu kusii negaan doono iyo inuu sii dhaafi doono.

“Dabcan, waa inaan ku laabto Barcelona, kaddibna waynu arki doonaa waxa dhaca.” Ayuu yidhi Coutinho oo la hadlayay Movistar+ kaddib farxaddii guusha Champions League.

Coutinho waxa uu sheegay in aanu in badan ka fikirin mustaqbalkiisa maadaama uu kaliya ku guuleysiga Champions League diiraddiisu saarnayd, waxaanu yidhi: “Run ahaantii in badan kamaan fikirin, kaliya waxay diiraddaydu saarnayd finalka. Laakiin waxa kaliya oo ee aan idiin sheegi karayaa waa inaan doonayo inaanh aad u shaqeeyo oo aan sannad wanaagsan qaato, balse waynu arki doonaa waxa dhaca.”

Kubbad-sameeyaha reer Brazil waxa uu Bayern Munich kula guuleystay dhamaan tartamadii ay ka qayb-galeen xili ciyaareedkan, waxaanu ku dooday inuu yahay xili ciyaareed aad ugu wanaagsanaa, waxaanu yidhi: “Waxaanu qaadanay xili ciyaareed wanaagsan, aadna waan ugu faraxsanahay. Waanu u qalanay guushan, waana dareen gaar ah.

“Way igu adag tahay inaan sharraxo, aad ayaan u faraxsanahay, aadna waanu u damaashaadaynaa maanta.”