Rasmi: Lionel Messi Oo Ku Guuleystay Abaal-marin Kale Oo Qaali Ah

Xiddiga kooxda kubadda cagta Barcelona ee Lionel Messi ayaa xalay si rasmi ah loogu magacaabay laacibkii ugu wanaagsanaa horyaalka waddanka Spain bishii hore, toddobaad kaddib markii magaalada Paris lagu guddoonsiiyey abaal-marinta Ballon d’Or ee ciyaartoyga ugu wanaagsan dunida.

Inkasta oo Barcelona ay saddex ciyaarood oo kaliya oo horyaalka LaLiga ah ciyaartay November, haddana Messi ayaa kulamadaas yar kusoo bandhigay ciyaartii ugu sarraysay ee beryahan laga arko, waxaana soo khaarajiyey kooxaha levanter, Celta Vigo iyo Leganes.

Toddobaadkii hore, waxa uu Leo Messi qalbiga ka jabiyey jamaahiirta Atletico Madrid oo uu guul ugu xambaariyey garoonka Wanda Metropolitano, halkaas oo daaqiiqadihii ugu dambeeyey dhaliyey gool cajiib ah, isagoo ciyaartana ahaa qofka ugu cadcad ee la qaban kari la’yahay.