RASMI: Inter Milan oo Ku Dhawaaqay Macalinkooda Cusub- Waa Kuma?

Inter Milan ayaa loo magacaabay tababarihii hore ee kooxda Lazio Stefano Pioli kaasoo noqon doona macalinka cusub ee kooxda hogaamin doona.
macalinka 51-sano jirka ah ayaa saxiixay heshiis ilaa dhamaadka June 2018 ah oo uu kula joogayo kooxda ka dhisan Talyaaniga, oo dhawaan ceyriyay Frank de Boer oo shaqada hayay kaliya 85 maalmood.

kulankiisa ugu horeeya macalin Pioli ee kooxda Serie A waxa uu ku wajihi doonaa kooxda Inter ay xafiiltamaan ee AC Milan ciyaar ka dhaceysa San Siro 20 November.

Waa tababarihii sagaalaad ee soo maray kooxda Inter Milan tan iyo markii uu ka tagay shaqada kooxdan Jose Mourinho oo ku guuleystay Champions League sanadkii 2010.

Pioli ayaa laga ceyriyay shaqada kooxda Lazio bishii April ee sanadkaan kadib markii uu qaab ciyaareed wanaagsan ka sameyn waayay kooxda ka dhisan caasimada.

kooxaha Parma iyo Bologna ayaa sidookale kamid ah11 kooxood oo uu hore macalin ugu soo noqday tababaraha cusub ee Inter Milan.