Rasmi: Gomez Oo hishiiska u kordhiyay kooxdiisa Liverpool.

Daafaca kooxda Liverpool iyo xulka qaranka England ayaa ugu dambeyn saxiixay hishiis cusub oo uu kooxdiisa kula sii joogi doono waqti dheer.

21-sano jirkaan ayaa dhaawac kaga maqan kooxda Liverpool isagoo ka mid ahaa xidigaha uu ku dagaalamo Klopp Xilli ciyaareedkaan Waxa uuna seegi doonaa kulanka Habeen dambe ee Napoli ay la ciyaari doonaan.

Joe Gomez ayaa qalinka ku duugay shan sano oo hishiis cusub ah tasoo ka dhigeysa in uu waqti badan sii joogo Reds.

xidigaan ayaa sanadaan qaab ciyaareed fiican la soo baxay asagoo loo adeegsanaaye daafaca dhexe waxa uuna si wacan uga ciyaaray Van Dijka tasoo kalsooni siisay Klopp iyo kooxdooda.

Liverpool Gomez waxa ay kula soo saxiixdeen adduun lacageed dhan £3.5 Million oo Bound sandii 2015-kii markaas oo ay ka soo qaateyn kooxda Charlaton Athletic.

Imaanshiyaha Klopp ayaa wax badan ka caawiyay kasoo fursad fiican u siiyay kooxda 1-aad in uu u ciyaaro.