Rasaas Goos Goos ah oo ka socota Gaalkacyo

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in Magaalada laga Maqlaayo Raasaas goos goos oo ku dhaceysa Koonfurta iyo Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Rasaasta la sheegaya in tahay mid culus sida ay idaacadda Risaala u sheegeen dadka kunool xaafadaha Magaalada Gaalkacyo.

Dadkii kunool Xaafadaha kala duwan ee magaalada ayaa Maanta si weyn u qaxay , waxaana dad ay naftooda kala carayaan rasaasta ay labada dhinac isweydaarsanaayaan.

Rasaasta goos goos ah ayaa saaka bilaabatay , waxaana labada dhinac ay ku sugan yihiin meel magaalada ujirta 8 Km

Inkastoo hada uusan jirin dagaal toos ah hadana Labada dhinac ee magaalada waxaa  ku dhacaaya Rasaas ay ridaayaan maamulada Puntland iyo Galmudug.