Duqeymo ka dhacay Waqooyiga Siinaay

Milatariga dalka Masar ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee dalkaasi ay duqeymo ka gaysteen waqooyiga Siinaay halkaasi oo ay sheegeen in ay ku dileen tiro mintidiin ah.

Duqeymahaasi ayaa ku soo beegmaya maalin uun kaddib markii kooxo Islaamiyiin ah ay gacanka Siinaay ku dileen 12 askari oo ka tirsan milatariga dalkaasi.

Milatariga ayaa Jimcihii shalay ahayd sheegay in dhankoodu ay dileen ilaa 15 ka tirsan dableydii weerarka soo qaaday.

Weerarkaasi ayaa ka dhacay meel u dhow magaalada Bir al-Abd, waxana weerarkaasi lagu eedeeyay koox la magac baxday kooxda gobolka Siinaay.

Kooxdani ayaa sanadkii 2014-kii shaacisay in ay daacad u tahay kooxda Khilaafada Islaamka.