Ra’iisul Wasaaraha oo la kulmay Guddoomiye Jawaari

Muqdisho-RisaalaFM- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay kulan is cafin ah la qaatay Guddoomiyaha is casilay ee Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari).

Kulankan isugu jiray Casho, Is cafin, Macsalaameyn iyo Duco ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacay hoyga Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari), kadib markii halkaasi uu tagay Ra’iisul Wasaare Khayre.

Kulankan oo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiiro, Xildhibaano iyo xubno kale ayaa waxaa si hoose isku xog wareystay Khayre iyo Jawaari oo ka wada hadlay xiisadii siyaasadeed ee dalka oo ka dhalatay Mooshinka iyo sidii la isugu niyad furnaan lahaa, maadaama xoogaa hoosaasin ah ay jirtay.

Sawirro laga soo qaaday raggan xalay kulmay ayaa waxa ay muujinayeen iyaga oo gacmaha is heysta, taasi oo ka dhigan in uurkooda uu isku fiyow yahay, waxaana sawiradan si aad ah u istcimaalaya dhalinyarada ku xiriirta baraha bulshada gaar ahaan Facebooka, iayaga oo u isticmaalaya ereyo kala duwan.

Sida horeyba loola socday Guddoomiye Jawaari ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ku eedeeyay inuu gadaal ka riixayay Mooshinka ka yaallay isaga, kadib markii sida uu tilmaamay ka shidaal qaadanayay xubno ka tirsanaa Baarlamaankii 8-aad.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre marna ma uusan ka hadlin Mooshinka Guddoomiye Jawaari oo soo bilowday 14-kii bishii ina dhaaftay ee March, taasi ayaana keentay shakiga iyo in Xukuumadda lagu eedeeyo in ay gadal ka riixeysay Mooshinka, ayna la dhacsaneyd sida ay wax u socdeen.